Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cadde Muse oo ka Digay in Puntland Burburto


Cadde Muuse
Cadde Muuse
Cadde Muuse Xirsi, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa beeniyay eeo uga yimid madaxweynaha Puntland oo sheegayay inuu ka danbeeyey rabshadihii dadku ay ku dhinteen ee ka dhacay Qardo.

Cadde ayaa sheegay in rabshadahaasi uu ka danbeeyey maamulka Faroole, wuxuuna sheegay in madaxweyne Faroole uu kaligii doonayo in ra'yigiisa maahee aan mid kale ka shaqeyn Puntland.

Gen. Cadde wuxuu sheegay haddii aan xal deg-deg ah loo geli xaaladdaha imika jiray ay Puntland ku soo socoto in burbur uu ku yimaado keeni kara in gobol-gobol ama tuulo-tuulo loo qeybsamo.

Cadde Muuse wuxuu sidoo kale sheegay in go'aanka C/raxmaan Faroole ee sheegaya in Puntland ka go'do dowladda federaalka uu yahay go'aan u gaar ah kaligii oo shacabka Puntland ay doonayaan inay ka mid noqdaan dowladda federaalka ee Somalia.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00
XS
SM
MD
LG