Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tsvangirai: Mugabe Wuu ku Shubtay Doorashada


Ra’isul Wasaaraha Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa diiday natiijooyinka doorashadii Madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday arbacadii shalay, isagoo sheegay in wax isdaba marin ay ka dhigtay doorashadaasi mid aan si sax ah u dhicin.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayay maanta oo Khamiis ah, ayuu Mr. Tsvangirai ku celceliyay eedo la xiriira cod ku shubasho oo uu u soo jeediyay Madaxweyne Robert Mugabe, kaasoo beeniyay eedahaasi, isla markaana xulufadiisu ay sheeganayaan inay ku guuleysteen doorashada.

Shabakadda The Zimbabwe Election Support Network, oo kumanaan goob jooge oo codbixinta eegayay geeysay guud ahaan dalkaasi, ayaa sidoo kale walaac ka muujisay sida ay doorashadu ku dhacday.

Kuxigeenka madaxa kooxdan Irene Peterson ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in dad fara badan si xeeladeysan looga horjoogsaday inay codadkooda dhiibtaan.

Saraakiisha doorashada ee Zimbabwe ayaa ugu yeeray cod bixinta mid si xaq ah oo xalaal ah ku dhacday, iyagoo sheegay inay filayaan inay ku dhawaaqaan natiijooyin hor dhac ah maanta oo Khamiis ah.

Waxaa kaloo ay saraakiisha doorashada Zimbabuwe sheegeen inay heystaan ilaa iyo isniinta soo socota inay sii daayaan natiijada oo buuxda.
XS
SM
MD
LG