Dadka Mali ayaa Axaddan maanta ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub.
Hogaamiyaha la doorto ayaa waxa uu dhaxli doonaa dal weli ka soo kabanaya dagaalkii kooxaha Islaamiyiinta iyo faragelintii melitari ee uu Faransiisku hogaaminayey, taasoo haatan loo badalay howlgal ay horkaceyso Qaramada Midoobay.
Ammaanka goobaha codbixinta ayaa aad loo adkeeyey, gaar ahaan gobalada woqooyiga oo ay ku jirto magaalada Gao oo ah halkii horaantii sanadkan laga xoreeyey kooxaha Islaamiyiinta.
Afarta musharax ee ugu cad-cad doorashada ayaa waxaa ka mid ah labada mas’uul ee Ibrahim Boubacar Keita, iyo Modibo Sidebe oo labadooduba horey dalka Mali uga soo noqday Ra’iisul-wasaarayaal.
Labada Musharax ee kale ayaa ah Suamaila Cisse oo madax ka ah Ururka Midowga Dhaqaalaha wadamada Galbeedka Afrika, iyo siyaasiga aan aqoonta badan loo laheyn kuna cusub masraxa siyaasadda ee dalkaasi, Dramane Dembele oo taageero balaaran ka heysta xisbiga ADEMA oo ah xisbiga ugu weyn axsaabta siyaasadda ee dalka Mali.
Waxaa jira eedo la xiriira in musuqmaasuqay sida loo qeybiyey kaararka codbixinta iyo in qalad uu ku jiro liiska codbixiyayaasha. Hase ahaatee madaxa kormeerayaasha Midowga Yurub ee dalka Mali Louis Michel ayaa sheegay in kooxdiisu ay aad ula dhaceen jawiga codbixinta.
Dad gaaraya ilaa iyo todobo malyan oo qof, ayaa xaq u leh inay codkooda ka dhiibtaan doorashadan oo lagu badalayo madaxweynaha KMG ah ee Dioncounda Traore oo la xilka dalka Mali qabtay sanadkii hore.
Hadii la waayo mushrax si cad ugu guuleysta codadka ugu badan ee doorashada maanta, ayaa waxaa 11ka bisha August la qaban doonaa doorasho ku celis ah oo dhexmari doonta labada musharax ee hela codadka ugu badan ee doorashada.