Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Maxamed Mursi oo si Rasmi ah loo Xiray


Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa si rasmi u xiray madaxweynihii xilka laga qaaday Maxamed Morsi. Garsoore Masaari ah ayaa amray in Maxamed Morsi uu sii xidhnaado muddo 15 cisho ah iyadoo loo haysto eedo kale duwan oo ay ka mid yihiin inuu u basaasay ururka Xamaas ee reer Falastiin.

Sidoo kale, waxaa maanta magaalooyin ku yaalla dalka Masar ka socda dibadbaxyo iska soo horjeeda, oo ay kala dhigayaan taageerayaasha Maxamed Morsi iyo kuwa ka soo horjeeda oo iyagu ka jawaabaya baaq uga yimid taliyaha ciidamada Masar oo isagu ku baaqay in Jimcaha ay dhigaan dibadbax looga soo horjeedo argagixisada.

Weriyaha VOA, Xuseen Sahnuuni ayaa wararkii ugu danbeeyey ee Masar wuxuu uga warramay Sahra Cabdi Axmed. Wareysiga oo dhanna halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00
XS
SM
MD
LG