Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Faragalinaya Dalka Suuriya


Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Maraykanka ayaa soo bandhigay dhowr qodob oo muujinaya sida ciidanka Maraykanka looga hawlagalin karo dalka Suuriya, isaga oo dhinaca kalena ka digay, kharashka iyo dhibaatada ka iman karta haddii faragalin toos ah uu ciidanku sameeyo.

General Martin Dempsey oo ah madaxa ciidamada Maraykanka ayaa faahfaahiyey shan qodob, mar uu Isniintii shalay warqad u qoray Congresska Maraykanka. Qodobadaas ayaa waxa ka mid ahaa tababarida xoogagga mucaaradka ah ilaa iyo burburinta keydka hubka kiimikada ah ee Suuriya.

Waxa uu sheegay in faragalin noocaas ahi ay kaalmeynayso mucaaradka, isla markaana ay culeys saarayso xukuumadda Madaxweyne Bashaar Al-Assad. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in waxyaabaha aan la fileynin ee kasoo bixi karaa ay noqonayaan in kooxaha xagjirka ahi ay awood helaan, isla markaan uu baaho isla hubka la doonayo in la xakameeyo.

Maraykanku ma caddeyn qorsheyal uu faragalin toos ah ku sameynayo. Ilaa iyo hadda waxa uu taageerada mucaaradka Suuriya ku koobay dhinaca bani’aadaminimada iyo bixinta qalabka dagaalka ee aan hubka rasmiga ah ahayn.
XS
SM
MD
LG