Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo: Qarax Lala Eegtay Ciidamada AMISOM


Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay kolonyo baabuur oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM eek u sugan magaaladaasi.

Qaraxan oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxa ay goob jooogayaal VOA u sheegeen inuu ka kacay baabuur booyad ah oo ka mid ahaa kolonyadaasi.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada AMISOM, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho soo gaartay mid ka mid ah askarta AMISOM.

Dhinaca kalena hal qof oo rayid ah ayaa dhintay halka ay 3 kalena ku dhaawacmeen rasaas la sheegay inay ciidankaasi rideen qaraxa kadib.

Qaraxan maanta ayaa dhacay waxyar kadib markii isla goobta uu qaraxu ka dhacay laga soo saaray miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxyada ayaa ku soo badanaya magaalada Kismaayo, iyadoo Axaddii 3 qarax ay ka dhaceen gudaha magaalada Kismaayo.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:25 0:00

Warar kale oo aan ka helnay isla magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hal qof uu dhintay, 10 kalena ay dhaawacmeen ka dib markii gaadhi ay la socdeen oo UD ah oo mayd soo aasayay uu ku rogmaday magaalada Kismaayo.
XS
SM
MD
LG