Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fiqi: Dowladdu Lama Hadlin Mukhtar Roobow


Wasiirka Gaashaandhigga Soomalaiya oo ku sugan Baydhaba Abdihakim Hagi Mohamud Fiqi ayaa beeniyey in dawladdu ay wadahadallo la gashay Sheekh Mukhtara Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha sare-sare ee al-Shabab.

Fiqi, wuxuu sheegay inay la socdaan khilaafka al-Shabab, wuxuuna sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso cid kasta oo ka tirsan al-Shabaab oo damacsan inay isku so dhiibaan dowladda Somalia.

Hadalka wasiirka ayaa daba socda, warar sheegayay inay jiraan wadahadallo qarsoon oo dhexmaray mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bay iyo Mukhtar Roobow Abu Mansuur.
XS
SM
MD
LG