Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Britain oo Qaadka ka Mamnuuceysa Dalkeeda


Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucayso qaadka ay isticmaallaan jaaliyaddaha ay Soomaalidu ka mid tahay ee deggan dalkaasi.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Theresa May, ayaa go’aanka maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday. Go’aankan ayaa ka horimanaya go’aan ay bishii January ee sannadkan soo saareen guddi khubarro ah oo dowladdu u xilsaartay inay ka soo tala bixiyaan qaadka, kuwaasi oo go’aamiyay in qaadka aan la mamnuucin.

Qaadka ayaa noqonaya qeybta C ee noocyada mukhaadaraadka mamnuuca ka ah Britain, waxaana qofkii lagu helo uu muteysan doonaa ciqaaab gaari karta ilaa 14 sanno oo xarig ah.

Theresa May ayaa sheegtay in go’aanka mamnuucista loo qaatay si loo ilaaliyo “xubnaha taagta daran ee ka midka ah jaaliyadaha ku nool Birtain”

Qaadka ayaa horey looga mamnuucay waddamo kale duwan oo ku yaalla Europe, Canada iyo Marayknaka, waxayna Xogahaye May ay ka digtay in Britain halis u tahay haddii aysan mamnuucin inay noqoto xarunta kaliya ee lagu kala wareejiyo qaadka.

Abuukar Cawaale oo ka mid ah dadka u ololeeya in qaadka laga mamnuuco dalka Britain ayaa soo dhaweeyay go'aanka dowladda Britain, wareysi uu VOA siiyeyna halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:37 0:00
XS
SM
MD
LG