Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno iyo Odayaal Tagay Cadaado


Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud oo uu ku sugan yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys waxaa maanta gaaray ergo isugu jirta xildhibaano iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda degaanada Ximan iyo Xeeb, iyo degaanka uu ka soo jeedo Sheekh Xasan Daahir.

Xubnahan wafdigan waxaa ka mid ah Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Clai Cumar; Ugaas Cabdi Dahair iyo xubno kale.

Odayaashan gaaray degmada Cadaado ayaa sida uu Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafey, u sheegay VOA waxay ay doonayaan inay ka talo bixiyaan sida uu maamulka Ximan iyo xeeb ka yeelayo Xasan Dahir.

Maxamed Hagafey ayaa dhinaca kale xusay in Xasan Daahir Aweys joogitaankiisu uu culeys wayn ku yahay deegaanka Ximan iyo Xeeb.

Wareysiga Afhayeenka Maxamed Cumar Hagafey oo dhan iyo wararkale oo isla arrintan ku saabsan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:12:27 0:00
XS
SM
MD
LG