Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waawaan ku Aaddan Dirirtii Mandhera


Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in weerar ka dhacay degaanka Banaisa oo hoos taga Mandhera Gobolka Waqooyi Brai Kenya ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof. Weerarkan ayaa lala xiriiriyey colaad u dhaxaysa laba beelood oo Soomaali ah. Booliisku waxay sheegeen in dadka badankoodu dhinteen kadib markii basuuko lagu dhuftay meel ay gabbaad ka dhigteen qoysas dagaalku barakiciyey. Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan nooga soo diray Nayroobi.

Dhinaca kale, magaalada Nayroobi ayaa odayaasha labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad-joojin iyo in colaadda la joojiyo. Xubno ka tirsan Aqalada Barlamaanka iyo duqowda ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa u kala saxiixey heshiis ka kooban dhowr qodob. Xaliima Cabdille Maxamed oo kamid ah Aqalka Senatka Kenya ee heshiiska goobjooga u ahaa ayaa Sahra Abdi Ahmed uga warantey waxa lagu heshiiyey

Warbixinta iyo wareysiga hoosta ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:56 0:00
XS
SM
MD
LG