Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa maanta hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabatay Kulan Dadweyne oo hal ku dhiggiisu yahay "Saameynta Tahriibka ee dhalinyarada"
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne badan oo iskugu jira wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda xisbiyada siyaasadeed, arday iyo dadweyne kale.
Kulankan Dadweyne ayaa waxa uu qayb ka yahay barnaamijka “Waa Go’aankaaga” oo idaacadda VOA ay si gaar ah ugu eegto waayaha iyo waqtiga dhalinyarada, waxaana kulan kan la mid ah ay laantu dhawaan ku qabatay magaalada London ee dalka Britain, kaasoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu dhalinyarada uga jawaabayey su'aalo ay toos u waydiinayeen.
Bahda VOA ee isku soo duwday "Kulanka Dadweyne" waxaa horkacaya Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow.
Barnaamijka oo qeyb ka ahaa idaacaddeenii fiidnimo halkan hoose ka dhageyso