Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Amniga oo ka Hadlay Xaaladda Kismaayo


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war saxaafadeed ka soo saarey xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobollada Jubbooyinka ee Koonfuurta Somalia, gaar ahaan magaalada Kismaayo oo dhowaan dagaalo culus ay ka dhaceen.

Golaha ayaa war saxaafadeedkan soo saarey markii ay warbixinku saabsan gobollada Jubbooyinka ka dhageystey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Zerihoun. Xubnaha ka tirsan Golaha Amaanka ayaa ka dalbadey dhammaan qeybaha ay khuseyso xasaradda ka jirta gobolladan inay ka fogaadaan talaabo kasta oo khatar gelin karta nabadgelyada iyo xasiloonida degaannadan, isla markaana ay la shaqeeyaan Dowladda Federalka Somalia si xal nabadeed loogu helo xasarrada iminka ka aloosan Jubbooyinka, hoosna loogu dhigi lahaa xaaladaha cakiran ee dhinaca gargaarka aadamiga.
Golaha amaanka waxay kaloo warbixintooda ku xuseen taageerada ay u hayaan horumarka dowladda federal ah oo wax ku ool ah oo si buuxda uga hawlgaleysa dalka oo dhan iyadoo la raacayo dastuurka KMG ee jira, iyadoo la dhowrayo qaranimada iyo xuduudaha dhulka Somalia, si taasi ay sal ugu noqoto nidaam wax ku ool ah oo iskaashi buuxda iyo is aaminaad ay ku dhexmarto dowladda Federalka iyo maamulada gobollada. War saxaafadeedka Golaha Ammaanka ayaa waxaa kaloo uu ku baaqey hanaan loo wada dhan yahay oo ku aadan dib u eegista dastuurka dalka.
Xubnaha Golaha Amaanka ayaa si buuxda war saxaafadeedkan ugu taageerey war murtiyeedkii madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ee soo baxay 24ka bishii May, waxaana uu ugu baaqey dalalka IGAD ku jira iyo kuwa kale ee deriska ahba inay door wax dhisaya ka qaataan sidii gacan looga geysan lahaa yareynta xiisadaha ka taagan gobollada Jubbooyinka lana helo wadiiqo looga gudbo dhibaatooyinka taagan.
Waxaa Xubnaha Golaha Amaanka ay sidoo kale soo dhoweeyeen doorka wax ku oolka ah ee Dowladda Somalia ee hoggaaminta dadaalada dib u heshiisiinta ee gobollada Jubbooyinka iyadoo taageero ka heleysa xafiiska hawlgalka QM ee arrimaha Somalia UNSOM, urur goboleedka IGAD iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.
Golaha ammaanka waxaa kale oo uu xusey in wakiilka gaarka ee QM ee Somalia u qaabilsan Mr Nicholas Kay diyaar uu u yahay inuu dowladda Somalia kala shaqeeyo xal u helista xasaradaha gobollada Jubbooyinka, isla markaana muhimadda la siiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shaba boo weli degaano dhowr ah oo goboladaasi ka talisa.
Ugu dambeyntii warbixinta Golaha Ammaanka waxaa lagu xusey taageerrada hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla markaana carabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay inay talaabo adag ka qaadaan cid alaalee ciddii isku dayda inay caqabad ku noqoto nabadda iyo hanaanka dib u heshiisiinta Somalia.
XS
SM
MD
LG