Qarax shalay ka dhacay tuulada Madax Libaax ee magaalada Saaka ee gobalka Woqooyi-bari Kenya, ayaa waxaa ku dhintay seddex caruur ah oo walaalo ah.
Caruurta qaraxa ku dhimatay oo kala ahaa laba wiil iyo gabar ari la joogay, ayaa waxaa ku qarxay waxyaabo ay ku ciyaarayeen sida uu VOA u sheegay Cabdulqaadir Cumar Aadan oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaankaas oo ku suganaa meelaan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.
Cabdulqaadir ayaa intaa ku daray in hay’adaha ammaanka ay ka sugayaan jawaabta rasmiga ah ee ku saabsan waxa keenay qaraxa.
“Aad baan uga murugoonay sida ay ilmaha yar ee walaalaha ah ku geeriyoodeen, waa mid aad iyo aad noo laxawsiisay, waa mid aan dowladda ka dooneyno inay si buuxda uga jawaabaan halka uu ka imaaday arrimaha qaraxa keeneen” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Aadan
Ciidmada Ammaanka ee Kenya oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay baarayaan waxa keenay qaraxa ay caruurtu ku dhinteen.
Wareysiga Xildhibaanka halkan hoose ka dhageyso.