Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyada ka Dhanka ah RW Erdogan


Mudaharaadayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Mudaharaadayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Ra’iisul-wasaaraha wadanka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistan maanta ah dib ugu laabtay dalkiisa ka dib markii uu dhowr maalmood socdaal ugu maqnaa dalal ku yaalla Woqooyiga Africa, iyadoo ay dalkiisa hareeyeen mudaharaadyo lagu dalbanayo inuu is casilo.

Dadka dibadbaxaya ayaa ka carooday ka dib markii dowladdu ay la timid qorshe dhismayaal looga sameynayo beer lagu nasto oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, banaanbaxa ayaa markii danbe isu badalay mid ka dhan ah Mr. Erdogan. Mucaaradka ayaa ku eedeeyey ra’iisul-wasaaraha inuu awooddii dalka maroorsaday iyo inuu dalka ku soo rogay aragtidiisa Islaamiga ah.

Ra’iisul-wasaare Erdogan ayaa iska indha tiray dibadbaxyada, sida oo ay yihiin kuwo ay dhigayaan mucaarad ka careysan doorashooyinkii looga guuleystay. Waxa uuna sheegay in dibadbaxayaashu aaney wax taageero ah ka heysan inta badan dadka Turkiga ah.

Ku-xigeenka madaxa xisbiga Mr. Erdogan, Huseyin Celik, ayaa ugu baaqay taageerayaasha in aaney isu-soobax balaaran ka sameyn garoonka diyaaradaha Khamiistan maanta si ay taageero ugu muujinaya ra’iisul-wasaaraha.

Booliiska ayaa Arbacadii shalay gaaska dadka ilmeysiiya ku kala eryay dad banaanbax ka dhigayey bartamaha magaalada Ankara, iyadoo magaalada Istanbul-na ay guud ahaan u muuqatay mid deggen.

Goor hore oo Arbacadii shalay aheydna waxa ay dibadbaxayayaashu u gudbiyeen ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Bulent Arinc, qoraal ay ku tixan yihiin dalabaad ay ka mid yihiin in xilka laga qaado saraakiisha mas’uulka ka ah in awood loo adeegsado dadka mudaharaadayey.

Laba qof ayaa ku dhimatay rabshadaha ka dhashay qalalaasaha, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray kumanaan dad ah, halka kumanaan kalena xabsiga loo taxaabay tan iyo todobaadkii hore. Arinc ayaa raalli gelin ka bixiyey tallaabooyinka ay booliisku qaadeen.

Dibadbaxayayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in la sii daayo dhamaan dadkii xabsiga loo taxaabay, islamarkaana ay dowladdu joojiso qorshayaasheeda dhismaha ee beerta nasashada ee magaalada Istanbul.
XS
SM
MD
LG