Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madobe oo ka Hadlay Go'aanka IGAD


Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo shirkii Kismaayo ka socday loogu doortay madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo war-murtiyeedka ka soo baxay madaxda ururka IGAD ee ku baaqayay in dowladda Somalia ay u qabato dhinacyada Jubbooyinka shir dib u heshiisiineed oo maamul KMG ah lagu soo dhisayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubooyinka uu maamul u dhisan yahay isla markaana aysan oggolaan doonin in maamul cusub mar kale la soo dhiso, Axmed wuxuu intaas ku daray in shirka IGAD ku baaqday ee dowladdu ay hormuudka ka noqon doontaa uu yahay mid lagu dhammeystiri doono maamulkii ay iyagu horey u dhiseen.

Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale dowladda Federaalka ku eedeeyay inay qas ka wado gobollada Jubbooyinka, kana danbeyso maamullada lagaga dhawaaqay Kismaayo, wuxuuna sheegay in wixii dhibaato ee Kismaayo ka dhalata ay mas'uuliyaddeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:34 0:00
XS
SM
MD
LG