Maanta waxey ku beegantahay konton guurada ururka Midnimada Africa ee horey loo oran jiray OAU, ururkaasi oo ay ku bahoobeen ilaa iyo 54 dowladood ayaa la aas aasay bishii May 25keedii sanadkii 1963kii, hase yeeshee waxaa ururka magacaasi laga bedelay 26kii bishii May ee sanadkii 2001dii shir ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana loo bedelay AU.
Dabaal degyo lagu xusayo 50 sano guurada ururkan Midnimada Africa ayaa si weyn looga dareemayaa jidadka magaalada Addis Ababa oo ah xarunta ururka, waxaana xafladda ugu weyn ee xuska oo maanta dhaceysa ka qeybgalaya in ka badan 100 madaxweyne.
Wariyeheena Nuux Muuse Birjeeb oo ku sugan magaalada Addis ayaa ka waramaya.