Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo 22 Guuradeedii u Dabaaldagtay


Somaliland ayaa maanta u dabaaldegtay sannad-guuradii 22aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqdey inay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale.

Xaflado lagu xusayey munaasabadan ayaa maanta ka dhacay gobollada Somaliland iyo qeybo kale oo caalamka ka mid ah.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ahayd halka ay xafladda rasmiga ah ee munaasabadu ay ka dhacdey, halkaasoo banaanbaxyo ay ka dhigeen kumanaan shacab ah.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad ku aaddan munaasabadda jeediyey, isagoo ka hadley arrimo dhowr ah.

Warbixinta munaasadda oo uu Hargeysa nooga soo diray wariyahayaga Cabdixakiin Maxamuud Shirwac halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:21 0:00
XS
SM
MD
LG