Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka Hadashay Xaaladda Jubbooyinka


Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamullada iska soo horjeeda ee laga dhisay Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Somalia.

Afhayeenka AMISOM, wuxuu kaloo sheegay inay si dhow isha ugu hayaan arrimaha ka taagan Kismaayo oo haddii ay dhacdo in dhibaato halkaasi ka dhalato ay ciidanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhex-gasho si khilifaaka loo joojiyo.

Falastin Axmed Iman ayaa Afhayeenku uga warramay aragtida AMISOM ee ku aadan Kismaayo. Jawaabta Korneylka halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00
XS
SM
MD
LG