Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kismaayo oo 2 Madaxweyne Lagaga Dhawaaqay


Kismaayo
Kismaayo
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ahaa hoggaamiyaha ururka Raaskaanbooni ee ku sugan Kismaayo loo doortay madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland .

Wararka ayaa sheegaya in ergooyinkii ka qeybgalay shirkii ka socday Kismaayo ay Axmed Madoobe maanta xilkaasi u doorteen.

Sidoo kale waqti yar ka dib doorashadaasi ayaa waxaa isna ku dhawaaqey in loo doortey madaxweynaha Jubaland Bare Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Idaacadda VOA ayaa isku deydey in ay la xiriirto Ahmed Madoobe si uu uga hadlo doorashadiisa balse khadka taleefanka oo go'an aawgeed ayay noo suurtogali waysay inaan helno.

Dhinaca kalena, waxaa VOAda la soo xiriirey Bare Hiiraale oo sheegey in xubno maalmahanba shir uga socdey magaalada ay isaga u doorteen madaxweynaha Jubbaland.

Wareysiga Barre Hiiraale halkan hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:51 0:00
XS
SM
MD
LG