Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Hakisay Duulimaadyada QM


Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay si KMG ah hawadeeda uga macnuucayso laga bilaabo maalinta berrito ah diyaaradaha hay’addaha QM, iyadoo ka xanaaqday go'aanka Dawladda Federalka Somaliya ay kula wareegayso maamulka hawada Somaliya.

Dowladda federaalka Somalia ayaa 31-ka bisha December si rasmi ah loogu wareejin doonaa maamulka hawada Somalia oo ay hore u wadeen koox khubarro QM hoos taga oo fadhigoodu yahay Nairobi.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Sare ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in go’aanka la wareegista hawada Somalia aysan marnaba u hoggaansami doonin.

Somaliland ayaa hay’adda QM ee qaabilsan hawada Somalia ku eedeysay inay arrintan kala shaqaynayaan Dawladda Somalia.
XS
SM
MD
LG