Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda IGAD oo ka Shiray Arrimaha Soomaaliya


MADAXDA IGAD
MADAXDA IGAD
Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu soo afjaray shir ay lahaayeen madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD.

Shirkan oo la sheegayo in loo qabtay Somalia, ayaa madaxdu uga hadleen arrimaha Soomaaliya ka taagan, waxaana dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi khudbad ka jeediyay.

C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, oo ah lataliyaha madaxweynaha Soomaaliya ahna afhayeenka madaxtooyada oo shirka ka qeybgalay, ayaa VOA u sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu dowladaha IGAD ka codsaday in dowladda iyo qorshayaasheeda siyaasadeed la taageero.

C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in madaxdii IGAD ee kulanka ka hadashay ay soo dhaweyeen codsiga madaxweynaha, ayna sheegeen inay muhiim tahay in la sii dardar galiyo ammaankaa laga gaaray Geeska Afrika.

Wareysiga Cabdiraxmaan Yariisow halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:22 0:00
XS
SM
MD
LG