Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Amriki oo Sheegay in la Dhaawacay


Cumar Xammami oo loo yaqaan Abu Mansuur Al-Imriki, oo ah Maraykan ka mid ah ajaaniibta ka bar-bar dagaallama ururka al-Shabab ayaa sheegay in la dhaawacay oo uu ka bad-baaday isku-day dil.

Al-Imriki ayaa soo dhigay barta Twitter-ka sawirro muujinaya dhaawac dhinaca qoorta ka soo gaadhay iyo dhiig ka muuqda jirkiisa, nimab bastoolado ku hubeysan ay xalay fiidkii qoorta ka toogteen deegaanka Raamo-Caddey oo ka tirsan gobolka Bay.

Warar ku dhow-dhow al-Shabab ayaa sheegaya in koox la socotay al-Imriki oo ay ajaanibi ku jiraan ay difaaceen isaga, halkaasi uu ka dhacay is-ka horimaad hubeysan.

Deeggaanka Raamo-caddey ayaa xiisad ay ka taagan tahay u dhaxeysa laba maleeshiyo oo ka tirsan ururka al-Shabaab, waxaana maanta hawada laga saaray khadkii is-gaarsiinta.

Haddaba, Sahra Abdi Axmed ayaa dhawaca soo gaaray Al-Imriki waxay ka wareysatay Mahmed Faarax Cali Ansaari, oo ka tirsanaan jiray al-Shabab, balse haatan ah dadka dhaqan-celiya dhalinyarada ka soo goosata ururka al-Shabab.

Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00
XS
SM
MD
LG