Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US. Bank oo Ogolaaday la Shaqeynta Xawaaladaha


Bankiga US Bank ee dalkan Maraykanka ayaa ogolaadey inuu la shaqeeyo xawaaladaha Soomaalida ee gobolka Minnesota, wuxuuna shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil u ogolaaday inay bangigaasi ka furtato koonto xisaabaadeed si ay ugu fududaato inay lacago u dirto Somalia.

Bangiyada Maraykanka ee gobolka Minnesota ayaa dhammaadkii 2011-kii joojiyay inay la shaqeeyaan oo lacagaha ay u diraan shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida iyagoo ka walaacsanaa in ay dhibaato uga timaado mas’uuliyadda lacagaha loo diro Soomaaliya..

Soomaalida gobolka Minnesota ayaa arrintan kaga jawaabay banaanbaxyo iyo waliba in ay iska xiraan xisaabaadkoodii bangiyada u diidey xawaaladaha in ay lacagaha u qabtaan.

Abdiraxmaan Maxamuud Muuse oo ka tirsan Ururka Shaqaalaha ee SIEU oo ah urur u ololeynayey in bangiyadu ogolaadaan la shageynta xawaaladaha Soomaalida, ayaa VOA uga waramay waxa suuro galiyey in US. Bank uu ogolaado in xawaaladaha Soomaalida uu xisaabaad u furo..

Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhagayso.



please wait

No media source currently available

0:00 0:06:35 0:00
XS
SM
MD
LG