Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo la Weeraray


Qarax
Qarax
In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii niman hubeysan ay weerar isugu jira qaraxyo iyo toogasho ku qaadeen, dhismaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ee magaalada Muqdisho,

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyay albaabka hore maxkamadda, daqiiqado ka dib-na ay koox hubaysan gudaha u galeen maxkamadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarkii lagu qaaday Xarunta Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hore u socotay oo aaney koox argagixisa ahi Soomaaliya nabada iyo hormarka ka horisaagi karin, waxa uuna madaxweynuhu intaa ku daray in weerarkani uu muujinayo in laga guuleystay cadowgii oo laga qabsaday goobihii muhiimka ahaa ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Qaraxyadan iyo weerarka lagu qaaday dhismaha Maxkamadda Gobalka Banaadir, ayaa ku soo aadaya ka dib markii dowladda Britain ay sheegtay in kooxaha xagjirka ahi ay qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho.

Warar iyo wareysiyo ku saabsan qaraxyada halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:19:37 0:00

Daawo Sawiradii Weerarka Maxkamadda Gobalka Banaadir.
XS
SM
MD
LG