Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka warshadaha horay ugu maray ee G8 ayaa soo dhaweeyay horumarka dhinaca amaanka ah ee ay Somalia ku talaabsatay 18kii bilood ee la soo dhaafay, xilli kala guurkii siyaasadeed iyo hormarka dhinaca xaaladdaha bani aadnimo, waxeyna aqoonsadeen taageerada weyn ee ay AMISOM ka geysatay soo celinta nabadda Somalia , doorka midowga Africa, dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.
Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka G8 oo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulan ku lahaa magaalada London ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo sii wadista taageerada beesha caalamka ee dowladda Somalia, waxaa kalooy wasiiradu ay sheegeen in shirka labaad ee Somalida ee ka dhacaya magaalada London bisha May looga gon leeyahay in lagu hirgeliyo qorshooyin dhowr ah oo ay Somalia hormuud ka tahay, oo lagu dhisayo ciidamada amaanka, garsoorka iyo hanaan lagu maamulo maaliyadda.
Shirku waxuu kaloo taageeri doonaa dowladda Federalka ee Somalia.
Waxaa kaloo shirka London xigi doona shir isna bisha May ka dhici doona dalka Japan oo xoogga lagu saari doono amaanka iyo mid kale oo uu martigelinayo Midowga Yurub bisha September, oo isna looga hadli doono dib u dhiska Somalia iyo horumarinta siyaasadda.
Wasiiradu waxey sheegeen in shirarkaasi oo dhan ay siinayaan dowladda cusub ee Somalia inay qaadato doorka hogaaneed ee dib u dhiska Somalia.
Wasiirada arimaha dibadda ee dalalka G8 waxey isku raaceen in taageero sareeyso oo siyasadeed la siiyo qorshaha dowladda Somalia ay ku dooneyso inay ku soo celiso xiriirkii kala dhaxeeyay Banka Aduunka , Baanka horumarinta Africa , iyo hayadda lacagta aduunka ee IMF.
Waxey sheegeen in hay’adaha ay door lixaad leh ka qaadan karaan soo nooleynta dhaqaalaha Somalia iyo in Somalia ay awood u yeelato inay soo jiidato maalgashiga shisheeye iyo balaarinta ganacsiga.
Wasiiradu waxey ku booriyeen dowladda Somalia inay muujiso sida ay uga go’antahay maareynta hantida dadweynaha iyo adkeynta isla xisaabtanka.
Waxey sheegeen in kooxda Al-Shabaab iyo dagaalyahanno shisheeye oo Somalia ku sugan ay weli yihiin qatarta ugu weyn ee argagixiso ee Somalia iyo danaha beesha caalamka
Wasiirada arimaha Dibadda ee dalalka G8 ayaa ku nuux nuuxsaday muhimadda ay leedahay sii wadista kaalmada caalamiga ah si loo horu mariyo sharciga oo la isku xukumo.