Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa Go'aankaaga: Dhalinyarada & Dhaqanka Baadiyaha


Barnaamijkaa Waa Go'aankaaga ee todobaadkan waxaan uga hadlaynaa dhaliyarada iyo nolosha baadihaya, si gaara waxaan ugu eegeynaa waaya aragnimada dhalinyarada xoola-dhaqatada, beeraleyda iyo kaluumeysatada.

Sidoo kale barnaamijka waxaad ku maqli doontaan qeybtii aan ugu magac darnay "Maxaa Maskaxdaada ka Guuxaya" oo dhalinyaradu ay ku soo gudbiyaan fikradaha ay maanka ku hayaan.

Barnaamijka waxaa soo saaray Haruun Macruuf, waxaana soo jeedinaya Maxamuud Mascadde iyo Sahra Ciidle Nuur. Barnaamijka oo dhan halka hoose ka dhageyso.
XS
SM
MD
LG