Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Federaalku Ma Hirgeli Karaa?


Maxamed Xaaji Mukhtaar
Maxamed Xaaji Mukhtaar
Hirgelinta nidaamka Federaalka oo uu farayo datsuurka Soomaaliya ayaa durba ay ka soo baxeen caqabado cusub sidii iyo cidii samayn lahayd maamul goboleedyada qaybta ka noqonaya dawladda federaalka.

Haddaba mid ka mid ah aqoonyahannada ugu caansan Soomaalida ayaa ku baaqay in Soomaaliya ay dib uga istaagto nidaamka Federaalka, baarlamaankuna ay hastaan fursad ay qodobadaasi uga saaraan dastuurka Soomaaliya.

Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar oo Taariikhda Afrika iyo Bariga Dhexe ka dhiga Jaamacadda Savannah State University ee Gobolka Georgia ee dalkan Maraykanka ayaa idaacadda VOA u sheegay in nidaamka federaalku uusan sahlanayn inuu ka dhaqan galo Soomaaliya.

Haaruun Macruuf ayaa la yeeshay Dr. Maxamed Xaaji Mukhtaar waraysi dheer oo uu kaga hadlayo faa’idada iyo waxa uu ku liito nidaamka Federaalku.

Wareysiga oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:20:17 0:00
XS
SM
MD
LG