Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Gabar Ku Toogtay Buulo-barde


Ururka Al Shabaab ayaa maanta goob fagaaro ah oo ku taala degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan ku toogtay qof dumar ah oo ay ku eedeyeen in ay basaas u ahayd dowlada Somaliya.

Qofka dumarka oo da’deeda lagu qiyaasay inay u dhaxayso 17 ilaa iyo 20 Sano ayaa wararku sheegayaan in laga soo qabtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, 3 habeenna lagu hayey magaalada Buulo-barde.

Sida VOAda ay u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa, dadweynaha reer Buulo-barde ayaa ururka Al-shabab uu u sheegay in ay isugu soo baxaan daawashada xukunka dilka ah.

Tiro ka mid ah maleeshiyada ururka oo wajiyadu u duubnaayeen ayaa rasaas ku furay iyadoo intii aan rasaasta la furin ka hor, ay qofka dumarka ahi ku dhawaaqaysay in xaq darro lagu dilayo.

Sida goobjoogayaashu ay VOAda u xaqiijiyeen, ururka ayaa sheegay in ay hayaan 3 qof oo kale oo basaasnimo lagu eedeeyey, dhawaana la dili doono.
XS
SM
MD
LG