Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Garsoorka oo ka Furmay Muqdisho.


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Dib u habeynta garsoorka Soomaaliya oo socon doona ilaa iyo bisha April shanteeda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay khubaro, aqoonyahanno, hogaamiyayaasha dhaqanka, haweenka, ururada bulshada iyo dhammaan hay'addaha dowladda ee ku lugta leh garsoorka iyo cadaallada

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxyaabaha lagu lafa guri doono waxaa ka mid ah caqabadaha hortaagan garsoorka, dib u dhiska iyo horumarinta hay’addaha garsoorka, iyo xiriirka ka dhaxeeya hay’addaha garsoorka iyo dastuurka cusub.

Kulanka Dib habeynta Garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin dhaxal-gal u ah hay'adaha garsoorka iyo cadaaladda.

Warbixin ku saabsan furitaanka shirka Garsoorka halkan hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00
XS
SM
MD
LG