Wararka ka imanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeeladda Hoose ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay duleedka magaaladaasi ay dad ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.
Inkasta oo aanay wararku ilaa iyo hada si dhaba u qeexin qasaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay hadana waxa lala xidhiidhinayaa inay daba socoto shaqaaqooyin hore magaalada uga dhacay taasi oo keentay in xilka laga qaado maamulkii degmada.
Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Jaamac Maxamed Axmed ( Jaamac Oday) oo magaalada Mark ka soo laabtay markii uu maamul cusub u magacaabay ayaa VOA uga waramay waxa keenay in maamulkii hore xilka laga qaado iyo waxa uu kala socdo shaqaaqada ka dhacday deegaanka.
Wareysiga oo dhan halkan hoose ka dhagayso.