Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safarkii R/wasaaraha ee Kismaayo oo Baaqday


Safar uu maanta magaalada Kismaayo ku tagi lahaa Ra’iisul-wasaaraha Somalia, Cabdi Farah Shirdoon Saacid ayaa dib u dhac uu ku yimid. Wali si rasmi ah looma oga sababta dib u dhaca keentay.

Xog laga helayo ilo ku dhow wasiirada dowladda ee shalay Kismaayo gaaray ayaa sheegaya inaysan wasiiradaasi ku guuleysan inay waddahallo fool-ka fool ah la furan maamulka magaalada Kismaayo kataliya, oo iyagu door-bidaya inay kaliya kulan fool-ka fool ah la qaataan ra’iisul-wasaaraha markuu magaalada yimaado.

C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka ururka Raaskaanbooni, oo VOA la hadlay ayaa sheegay in wararka sheegaya inuu jiro is afgaranwaa u dhaxeeya iyaga iyo wafdiga dowladda aan waxba ka jirin.

Wareysiga C/naasir Seeraar halka hoose ka dhagayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00
XS
SM
MD
LG