Isku xirrada

War Deg-Deg ah

In ka Badan 50 Qof oo ku Dhintay Ciraaq


Saraakiisha dalka Ciraaq ayaa sheegay in qaraxyo baabuur iyo weerarro kale oo ka dhacay xaafadaha ay dagan yihiin dadka Shiicada ee Baghdad ay ku dhinteen in kabadan 50 qof, 160 kalena ay ku dhaawacmeen.

Rabshaddan ayaa dhacay maalin kahor sannad-guurada 10-aad ee ka soo wareegatay howlgalkii militari ee Maraykanku hoggaaminayay ee lagu galay dalka Ciraaq 2003-dii.

Rabshaddahan waxay sidoo kale ku soo beegmeen bil ka hor marka ay dadka Ciraaq u dareeri doonaan doorashooyinkii ugu horreeyey muddo saddex sanadood ah.

Xafiiska ra'iisul-wasaaraha Ciraaq ayaa ku dhawaaqay in doorashada la filayo inay dhacdo 20-ka bisha April muddo lix bilood ah dib loo dhigi doono gobollada Anabr iyo Nineval, sababo ay ugu wacan tahay halis dhinaca amniga ah iyo dil loo geystay dhowr ka mid ah musharrixiinta.

Qaraxyada maanta oo Salaasa ah ayaa waxay ka dhaceen dhowr xaafadood oo ku yaalla magaalada Baghdad oo ay ku jirto Sadry oo u dhow goobta khadka cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo halkaasi oo ay ku yaallaan safaaraddaha reer Galbeedka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan. Maleeshiyada Muslimiinta Sunniga ee Ciraaq aya badanaa weerarada dadka Shiicada ah si ay u kiciyaan xiisado dhinaca qowmiyadaha ah isla markaana u wiiqaan dowladda ay Shiicaddu hoggaamiso.
XS
SM
MD
LG