Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Raila oo Dacwad ka Dhan ah Doorashada Gudbiyay


Musharaxa doorashada lagaga adkaaday ee dalka Kenya ayaa gudbiyay dacwad uu ku diiddan yahay natiijada doorashada ee toddobaadkii hore.

Raila Odinga ayaa dacwaddaasi Sabtidan maanta ah u gudbiyay maxmadda sare ee ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi.

Goor hore oo Sabtidan maanta ah ayay boolisku gaaska dadka ilmada ka keena u adeegsadeen dad isu soo baxay oo isugu soo baxay gudaha magaalada Nairobi taageerada Mr. Odinga, oo xilka ka sii dagaya xilka ra’isal wasaarenimo.

Isbahaysigiisa CORD ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo in Mr. Odinga uu ku guuleysan doono dacwadda uu gudbiyay.

Mr. Odinga ayaa diiday inuu oggolaado natiijooyinkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay doorashda, isagoo sheegay in ay khayaano dhacday intii ay socotay tirinta codadka.
Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in Uhuru Kenyata uu ku guuleystay doorashadii madaxweynenimo isagoo helay 50.7 % taasoo ka kaafisay in aan la sameeynin doorasho ku celis ah.
XS
SM
MD
LG