Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhexdhexaadnimada Gargaarka Bini'aadminimo


Golaha Amniga
Golaha Amniga
Mid ka mid ah dalladaha matala hay’adaha gargaarka ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa cambaareeyey go’aan Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay uu gaadhay toddobaadkii hore oo ahaa in hal meel laga maamulo hawlgallada siyaasadda, milatariga iyo kuwa bani’aadminnimo ee Soomaaliya kuwaasi oo wada hoos iman doono xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa qayb ka ahaa tallaabo Golaha Ammaanku uu dib ugu qaabaynayo hawlgalka Qaramada Midobay ee Soomaaliya.

Hay’adauhu waxay sheegeen in tallaabadni ay dhabar-jab ku tahay hawlihii gargaarka. Jenny McAvoy oo ka tirsan hay’adda Interaction ayaa VOA uga warrantay sida ay u arkaan tallaabadan.

Saddex dalladood oo ay xubno ka yihiin inta badan hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobay uu yahay mid laga xumaado.

Dalladahan ayaa kala ah Interaction, NGO Voice iyo International Council of Voluntary Agencies.

Waxay sheegeen in tallaabada uu qaaday Golaha Ammananka ee hal meel iskugu keenaysay hawlagallada siyaasadda, milatariga iyo bani’aadmnimada ay xadgudub ku tahay istiraatijiyadii uu dejiyey Golaha Ammaanka sannadkii la soo dhaafay.

Jenny McAvoy oo Aagaaisme ka ah dallada Interaction ayaa VOA u sheegtay in halista ay arrintan ka imanaysa ay gaar ahaana ku xooggan tahay dhulka weli colaaduhgu ka jiraan.

Hay’adahan waxay ku baaqeen in dhammaan dhinacyada ay ixtiraamaan madaxbannaanida gargaarka.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:07 0:00
XS
SM
MD
LG