Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/weynaha iyo Hay'adaha Garsoorka oo Kulmay


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay garsoorayaal tiradoodu gaarayso lixdan oo ka kala socday hay’adaha garsoorka iyo maxkamadaha dalka.

Madaxweynaha oo la hadlayayey garsoorayaasha ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono adeegga garsoorka dalka, si uu u noqdo mid ay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ku kalsoonaan karaan.

Xasan Sh. Maxamuud ayaa ugu baaqay garsoorayaasha inay ka fogaadaan caddaalad darro ama inay qolo gaar ah u shaqeeyaan, isagoo xusay madaxweynuhu in eedaha loo soo jeediyo adeegga garsoorka qaarkood ay wax ka jiraan.

Warbixinta ku saabsan shirka kulanka madaxweynaha iyo garsoorayaasha maxkamadaha dalka halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:38 0:00
XS
SM
MD
LG