Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahiga oo ku Baaqay in la Ilaaliyo Cadaaladda


Augustin Mahiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xukunkii ka soo baxay dacwaddii Saxafiga waraystay haweenay sheegtay in la kufsaday.

Kiiska kufsiga ayaa maxkamada gobalka banaadir waxay ku xukuntay wariyihii iyo gabadhii sheegtay in ciidanka dowladu kufsadeen, min hal sano oo xarig ah.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia, ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu baaqay xukuumadda Somalia in ay xoojiso tixgalinta sharciga iyo dabagalka dacwadaha kufisga la xiiriira

Mahiga ayaa sheegay in kooxaha xuquuqda aadanaha iyo ururada haweenka, heyadaha warbaahinta iyo wadamada deeqda bixiya ay walaac ka muujiyeen sida maxkamadda loo qaaday.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa xusay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu ka mid ahaa madaxdii ugu horaysay ee ka xumaatay xukunka maxkamadda.

Mahiga ayaa sheegay in Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku baaqay in si fiican hoos loogu eego, dacwadaha soo noq noqoanaya ee la xiriira kufsiga haweenka barakacayaasha ah.

Mahiga ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xoriyadda haldalku ay muhiim u tahay helitaanka dal dimuquraadiya waqtigan oo ah xilli ay soomaaliya ku socoto wadadii ay dalka ku gaarsiin lahayd doorashooyin dimuquraadi ah oo dalka ka dhaca.
Sida ku xusan qoraalka Ergayaga Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya ayaa tallaabo wanaagsan qaadday iyada oo asaastay guddi ka shaqaynaysa dabagalka xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee dhacay 12kii bilood ee u dambeeyay.

Mahiga ayaa xusay in Madaxweynaha iyo Ra’sal wasaaraha Soomaaliya ay si cad uga hadleen dadaalka loogu jiro soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta iyo tixgalinta Sharciga

Mahiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay waqti kooban hormar wanaagsan ku sameysay, xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobayna uu dowladda soomaaliya kala shaqaynayo adkeynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha
XS
SM
MD
LG