Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Buurhakaba


Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidamada maanta la wareegay degmada Buurhakaba ayaa waxaa horkacayey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kuwa gobalka, waxayna halkaasi kula hadleen qaar ka mid ah shacabka degmada.

Ciidamada ayaa qabsaday degmada Buurhakaba iyagoon wax iska caabina la kulmin, waxaana wararku ay sheegayaan in maleeshiyadii Alshabaab ee ku sgunaa magaalda ay isaga baxeen, iyagoo u jiheystay dhinaca degmada Diinsoor ee isla goballka Baay.

Al-Shabaab ayaa awoodda ay ku leeyihiin gobalada koofurtu ay sii yaraaneysaa marba marka ka danbeysa, iyadoo ciidamda dowladda oo gacan ka helay kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiyana ay sii balaarinayaan awoodda ay ku leeyihiin gobalada koofureed ee Soomaaliya
XS
SM
MD
LG