Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/weynaha oo Guddoomay Aqoonsiga Shan Safiir


Madaxweynaha oo ka hadlaya kulanka uu la yeeshay safiirada cusub.
Madaxweynaha oo ka hadlaya kulanka uu la yeeshay safiirada cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waraaqahooda aqoonsiga ka guddoomay safiirro cusub oo ay Soomaaliya u soo magacaabeen shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub.
Madaxweynaha oo Soo Dhaweynaya Safiirada Midowga Yurub
Madaxweynaha oo Soo Dhaweynaya Safiirada Midowga Yurub

Shantan safiir ayaa waxa ay kala yihiin Safiirka Jarmalka Margit Hellwig-Botte, Safiirka Faransiiska Etienne De Poncins, Safiirka Spain Javier Herrera Garcia Canturi, Safiirka Belgium Bart Ouvry iyo Safiirka Finland Sofie From Emmesberger.
Madaxweynaha oo mid ka mid ah safiirada ka guddoomaya waraaqaha aqoonsiga
Madaxweynaha oo mid ka mid ah safiirada ka guddoomaya waraaqaha aqoonsiga

Kulankan madaxwynahu uu shantan safiir la yeeshay waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Marwo Fowziya Yusuf Xaaji Adam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Kamal Dahir Xassan (Gutaale).
Madaxda Soomaalida iyo safiirada cusub oo albaabka madaxtooyada lugeynaya
Madaxda Soomaalida iyo safiirada cusub oo albaabka madaxtooyada lugeynaya

Madaxweynaha oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta safiirada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay, soona dhaweynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee shantan wadan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya ay si tartiibtartiib ah dib uga soo dhex muuqaneyso beesha caalkamka, taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri taageerada ay Soomaaliya la garabtaagan yihiin wadamo ay ka mid yihiin shantan dal oo qeyb ka qaadanaya hormarka iyo xalinta dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
XS
SM
MD
LG