Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keith Ellison oo Muqdisho Booqday


Nến cầu nguyện dành cho những nạn nhân của chuyến bay 17 của hãng Malaysia Airlines tại một nhà thờ bên ngoài Kuala Lumpur, Malaysia. Chiếc máy bay chở theo 298 người khi nó bị bắn rơi ở miền đông Ukraine hôm thứ Năm.
Nến cầu nguyện dành cho những nạn nhân của chuyến bay 17 của hãng Malaysia Airlines tại một nhà thờ bên ngoài Kuala Lumpur, Malaysia. Chiếc máy bay chở theo 298 người khi nó bị bắn rơi ở miền đông Ukraine hôm thứ Năm.
Keith Ellison oo ah mudane ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka oo laga soo doorto gobalka Minnesota, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.
Dadweyne wata calamada Mareykanka iyo Soomaaliya oo Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey Keith Ellison
Dadweyne wata calamada Mareykanka iyo Soomaaliya oo Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey Keith Ellison

Keith Ellison ayaa waxaa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey madaxda dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay Keith Ellison in Soomaaliya ay uga mahadnaqeyso Mareykanka taageerada uu la garab joogo Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay haatan ku jirto xilligii ka soo kabashada colaadihiii mudada dheer uu dalku ku soo jiray.

Keith Ellison ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu markii ugu horeysay soo booqdo Muqdisho, isagoo carabka ku dhuftay inuu maanta fuliyey balan uu ka qaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Minnesota oo aheyd inuu Muqdisho booqan doono.
Xasan Sh. Maxamuud iyo Keith Ellison oo Muqdisho saxaafadda kula hadlaya
Xasan Sh. Maxamuud iyo Keith Ellison oo Muqdisho saxaafadda kula hadlaya

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay farxad u tahay in mudane Keith Ellison oo laga soo doorto goablaka Minnesota oo Soomaalida ugu badan Mareykanku ay degan yihiin uu soo booqdo Soomaaliya, si uu u ogaado xaaladda dhabta ah ee ka jirta soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay in cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee tiirarka siyaasadeed ee dowladda uu madaxweynaha ka yahay ay dooneyso inay dalka nabadda ugu soo dabaasho.

Warbixin ku saabsan booqashada Keith Ellison ee Muqdisho halka hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:49 0:00

Mudanaha ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka Mr. Keith Ellison intii aanu ka soo bixin magaalada Muqdisho ayuu qadka taleefanka ugu waramay Falastiin Imaan oo ka tirsan VOA.

Wareysiga oo dhan halka hoose ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00

















XS
SM
MD
LG