Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khudbadda Sannadlaha ee Barack Obama


Madaxweynaha Barack ayaa xalay khudbadiisa sannadlaha ka hor-jeediyay fadhi wadajir ah oo ay u dhamaayeen xubnaha labada aqal ee congress-ka. Khudbaddan oo ahayd tiisii koowaad tan iyo markii dib loo doortay bishii November ee sannadkii hore, wuxuu si dheer uga hadlay arrimaha gudaha ee Maraykanka iyo waliba siyaasadda arrimaha dibedda.,

Madaxweyne Obama wuxuu sheegay inuu jirto horumar badan, isagoo soo hadal qaday in toban sanno oo dagaallo ah ka dib ay ciidamada Maraykanka soo guryo noqonayaan.

Waxuu sheegay in dhaqaalaha uu ka soo kabanayo sannado dhowr oo uu meel xun gaaray, isla markaana ganacsigu uu abuuray in kabadan 6 malyan oo shaqooyin cusub ah.

Obama wuxuu sheegay in weli shaqa adag ay hortaalo, si dadka shaqooyin loogu abuuro, wax barashada loogu tayeeyo, guryo la’aanta heysata qoysas badan oo Mareykan ahna wax looga qabto, isagoo ku baaqay xal labada xisbi ay u dhan yihiin oo laga gaaro caqabadaha waaweyn ee Mareykanka horyaala.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka hadlay isbeddel lagu sameeyo sharciyada dadka soo galootiga ah ee ku sugan gudaha Maraykana.

Mar uu ka hadlayay arimaha caalamiga ah waxuu sheegay in Mareykanka ay ka go’antahay sidii uu ugala shaqeyn lahaa saaxibadii ciribtirka saboolnimada iyo cudurka Aidska.

Obama wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in Maraykanku uu dhameystirayo howlgalka uu ka wado Afghanistan.

Waxaa uu sheegay in inkastoo laga adkaaday Al-qacida hadana weli ay qatar ku heyso amaanka Mareykanka iyo kan caalamkaba.

Waxuu sheegay inuu taageeri doono dalalka sida Somalia iyo Yemen oo gacan ku siinaya Mareykanka iyo xulufadiisa dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:01 0:00
XS
SM
MD
LG