Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Aqoonsiga Mareykanka ee Somalia


Dowladda Mareykanka ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton oo ay maalintii shalay shir jaraaid wada qabteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Skiikh Maxamuud, ayaa sheegtay in hadda wixii ka danbeeya ay dowladda Maraykanku dhageysan doonto dowladda Soomaaliya ulana macaamili doonto sidii dowlad xor ah

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isna shalay Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Shiikh, waxa uuna kuna boorriyey madaxweynaha Soomaaliya inuu fursaddan uga faaiideeyo dadka Soomaaliyeed ee ay colaaduhu daashadeen.

Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka oo aan arrintaa ku gorfeynayno ayaa waxaa marti ku ah aqoonyahanno Soomaaliyeed oo falanqeynaya waxa aqoonisga Mareykanka ee dowladda Soomaaliya uu uga dhigan yahay dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Barnaamijka oo ay daadihinayso Zahra Cabdi Axmed halka hoose ka dhageyso

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:39:04 0:00

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:39:04 0:00
XS
SM
MD
LG