Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary Clinton oo Cusbitalka La Dhigay


Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Cusbitalka la dhigay, ka dib markii dhiigeeda laga helay Xinjiro ka dhashay jug dhawaan Madaxa kaga dhacday

Xoghayaha Arimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa la dhigay cusbitalka, ka dib markii, madaxeeda laga helay, gunud dhiig ah ama xinjireysatay, taasoo loo maleynayo inay ka dhalatay jug dhawaan madaxa ka gaartay.

Wasaarada Arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dhaqaatiirta daweyneysa Mrs. Clinton ay ka heleen xinjirtaasi, baaris jugta madaxa ka soo gaartay lagu eegayay oo ay ku sameeyeen axadii shalay.

Waxey sheegeen in xinjirta ama gunudka dhiigga ah ay xiriir la leedahay jug madaxa ka gaartay, ka dib markii ay dhacday dhowr todobaad ka hor.


Clinton ayaa lagu daweynayaa dawooyinka xinjiraha la dagaalama cusbital ku yaala magaalada New York, waxana la filayaa in halkaasi ay ku sii jirto oo lagu baxnaaniyo labada maalmood ee soo socota.

Warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in dhaqaatiirta Clinton ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay xaaladeeda sii qiimeeyaan, si ey go’aan uga gaaraan hadii talaabo dheeri ah loo baahanyahay.

Mrs. Clinton ayaa xanuunsaneyd todobaadyadii dhawaa, iyadoo la tacaaleysay virus kaga dhacay caloosha, oo ku qasabay inay baajiso kulamo ay ka qeybgali laheyd iyo safaro ay u bixi laheyd.

21kii December, waxaa ku dhacay fuuq-bax ay u suuxday, iyadoo la il dareyd jug madaxa ka soo gaartay, ka dib markii ay dhacday.

Ilaa iyo axadii shalay, ka hor inta aan la geyn cusbitalka waxey ku baxnaananeysay gurigeeda.
XS
SM
MD
LG