Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka cusub ee Masar oo la Ansixiyay


egypt / vote count
egypt / vote count
Ururka Akhwaanul-Muslimiin ayaa sheegay in Masaaridu ay ansixiyeen dastuurka cusub ee dalkaasi ee muranka badan dhaliyay.

Akhwaanul-Muslimiin ayaa sheegay in 64 boqolkiiba ay "haa" ku codeeyeen dadkii codadkooda ka dhiibtay labadii afti ee dalkaasi laga qabtay 15-kii iyo 22-kii bishan.

Dadka ka qeybgalay codbixinta ayaa lagu soo warramay inay ahaayeen 32 boqolkiiba.


Haddii natijadan hor-dhaca ah la xaqiijiyo maalmaha soo socda, waxaa la qaban doono doorasho baarlamaan oo dhici doonta muddo laba bilood ah.

Ururka Akhwaanul-Muslimiin, oo ah xisbigii hore ee madaxweyne Morsi ayaa taageersan dastuurka cusub, laakiin qaar ka tirsan mucaaradka ay siyaasadoodu fur-furan tahay, cilmaaniyiinta iyo masiixiyiinta ayaa ka soo horjeeda dastuurka cusub iyagoo ka cabsi qaba in dastuurka uu nabaadguurinayo xorriyada dadka, waayo waxay sheegeen wuxuu kordhinayaa doorka sharciga Islaamka isla markaana dastuurka muusan xusin xuquuqda dumarka.


Guddi balaaran oo u badnaa Islaamiyiin ayaa ansixiyay dastuurkan bishii hore kadib markii kuwa siyaasadoodu fur-furantahay iyo masiixiyiintu ay guddigaasi isaga baxeen, iyagoo ka cabanaya in aragtidoodii la iska indho-tiray.
XS
SM
MD
LG