Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Amarka Kenya ee Qaxootiga


Barnaamijka Faaqidaadda Todobaadka waxa uu ku saabsan yahay amarkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ahaa in qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalkaasi ay dib ugu noqdaan xerayaha qaxootiga.

Barnaamijka ayaa waxaa marti ku ah siyaasiyiin, aqoonyahan, iyo culimaaudiin ka doodaya go'aanka dowladda Kenya iyo saameyntiisa.

Martida Barnaamijka ka qeygalaysa ayaa waxa ay kala yihiin.

Wasiirka Hormarinta Gobalka Wuqooyi-beri ee Kenya Maxamed Ibraahim Cilmi, Xildhibaan Adan Barre Ducaale oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto gobalka wuqooyi-beri ee Kenya, Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Maxamed Cali Nuur 'America' oo dhamaantood ku sugan magaalada Nairobi, Imaamka mid ka mid ah masaajidda ku yaalla Xerada Dhadhaab Sh. Maxamed Cabdulqaadir oo ku sugan isla xeradaas, iyo Guddoomiyaha Dalladda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Africa Xassan Shire Shiikh oo jooga dalka Canada.

Barnamaijka oo dhan halka hoose ka dhagayso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:30:23 0:00
XS
SM
MD
LG