Booliska Maraykanka ayaa sheegay in Adam Lanza oo ah ninkii ka danbeeyey toogashadii ka dhacday Connecticut uu xoog ku galay daarta iskuulka ka hor intuusan toogashada ku dilin 20 caruur ah iyo qof oo waaweyn .
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa ku baaqay in la qaado talaabooyin macno-ku-fadhiya oo looga hortagayo inay mar kale dhacdo mid la mid ah masiibadii shalay ka dhacday iskuul ku yaala Newtown ee gobolka Connecticut halkaasi oo ay ku dhinteen 20 caruur ah iyo 6 qof oo kale, dilkaasi oo uu geystay nin hubeysan.
Booliska ayaan wali sii deyn magacyada dadkii ku dhintay toogashadaasi. sidoo kale waxaa soo baxaya baaqyo cusub oo lagu doonayo in sharciyo xooggan laga soo saaro xakameynta haysashada hubka dalkan Maryakanka.
Dad ku banaanbaxay Aqalka cad ee Maraykanka, iyo siyaasiyiin doora oo uu ku jiro Duqa magaalada New York Michael Bloomberg, oo xubin ka ah kooxaha u dooda in hubka la xakameeyo ayaa dalbaday in la qaado talaabo degdeg ah.