Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharci Fududeynaya Xawaaladda Somalida Mareykanka oo loo Gudbiyay Aqalka Hoose Mudanayaasha


Mudanayaal ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa dadaal ugu jira sidii xal sharci ah loogu heli lahaa arinta xawaaladaha Somalida Mareykanka

Laba mudane oo ka tirsan congresska Mareykanka ayaa shalay u gudbiyay congresska sharci ku saabsan xawaaladaha, kaasoo gacan ka geysanaya wax ka qabashada dhibaatooyinka lacag dirista ka heysta Somalida Mareykanka iyo dadyoowga kale ee dalkan ku nool ee eheladood lacagaha u dira.

Mudane, Keith Ellison oo laga soo doorto Gobolka Minnesotta ee ay Somalida degto oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga iyo Mudane Erik Paulsen, oo isna isla gobolkaasi laga soo doorto, balse u ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sharcigan si wada jir ah u soo saaray.

Madaxa hay’adda Somali Action Alliance Xaashi Shafi oo ka mid ah rag in muddo ahba olele ugu jiray sidii Xawaaladaha somalida Mareykanka ay u heli lahaayeen – macaamil Bangi oo rasmi ah, ayaa VOAda uga waramay sharciga.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00
XS
SM
MD
LG