Saddex wasiir oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka bad-baaday isku-day dil ah kaddib markii weerar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen oo marayay duleedka degmada Shalanbood iyagoo ku sii jeeday magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.
Wasiirradan oo kala ah, Wasiirrka Arrimaha gudaha Amniga iyo Qaranka, Wasiirka Difaaca iyo wasiirka garsoorka iyo cadaalada ayaa waxaa sidoo safarkoodaasi ku wehelinayay dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
C/casiis Xuseen ayaa shalay markii uu weerarka dhacay ka dib khadka talefonka ee Marka kula xiriiray wasiirka Difaaca, Abdihakin Maxamuud Xaaji Fiqi, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay sida uu u dhacay weerarka lagu qaaday kolonyadii ay la socdeen.