Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabadoon Caana oo Lagu Diley Baladweyne


Ra'iisul Wasaaraha oo Booqday Beledweyn
Ra'iisul Wasaaraha oo Booqday Beledweyn
Wararka ka imaanaya magaalada Baladwayne ee xarunta goblka Hiiraan, ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta magaaladaasi lagu dilay nabadoon Sh. Maxamed X. Xuseen Maracadde oo shalay odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi u doorteen inuu noqdo guddoomiyaha golaha dhaqanka ee goblaka Hiiraan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Marxuumka ay rag hubaysani ku toogteen bartamaha suuqa magaalada Baledwayne.

Ciidamada Amniga ee magaalada Baladweyne ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen wiil dhalinyara ah oo lagu eedeeyey inuu yahay gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkiii guddoomiyahii Golaha Dhaqanka ee Gobalka Hiiraan, nabadoon Sheikh Maxamed Xaaji Xuseen Maracadde.

Afhayeenka maamulaka gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof, ayaa VOA-da u sheegay in ninka ay gacanta ku soo dhigeen uu yahay kii sida ramsiga ah u toogtay nabadoonka ayna soo qabashadiisa gacan ka geysteen dadka rayidka ah ee magaalada Baladweyne.
XS
SM
MD
LG