Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama iyo Qorshihiisa Afarta Sanno ee Soo Socota


Madaxweynaha Dalkan Mareykanka Barack Obama oo toddobaadkan dib loo soo doortay ayaa ku mashquulsan dejinta qorshe howleedkiisa afarta sanno ee soo socota

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo ku mashquulsan dejinta qorshooyinkiisa mudada labaad ee xafiiska loo doortay, ayaa hadal ka soo saari doona aqalka cad maanta oo jimca ah, kaasoo uu kaga hadli doono dhaqaalaha weli aan sal fadhin ee Mareykanka.

Dadka ka faalooda arimaha dhaqaalaha ayaa sheegay in aaney fileyn in Obama uu ku dhawaaqo hindisooyin cusub, hase yeeshee uu ku boorin doono Congresska inuu sameeyo wixii karaankiisa ah si looga fogaado dhaqan galka qorshaha dhimista Qarashaadka dowladda, iyo canshuuraha oo la kordhiyo, 1da bisha January.

Waxyaabihii Madaxweyne Obama, dib loogu soo doortay todobaadkan, ayaa waxaa qeyb ka ahaa, taageerada uu u hayo ku kordhinta canshuuraha, dadka Mareykanka ee ay soo gasho sanadkii in ka badan $250, kun oo dollar.

In badan oo ka mid ah qolyaha Xisbiga Jamhuurigu waxey ka soo horjeedaan canshuur kordhinta dadka ladan taabaneysa.
XS
SM
MD
LG