Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wendy Sherman oo Booqatay Magaalada Muqdisho


Embaixadora Wendy Sherman
Embaixadora Wendy Sherman

Kaaliyaha Xoghaya Arimaha dibadda ee Mareykanka Weddy Sherman ayaa shalay booqatay Magaalada Muqdisho

Warkan ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee mareykanka ayaa lagu sheegay in kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ee arimaha siyaasadda Wendy Sherman ay kula kulantay Muqdisho Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mahamud, Gudoomiyaha Baarlamanka Mohammed Osman Jawari, Taliyaha ciidmada nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom General Andrew Gutti, ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, iyo hogaamiyeyaal ka kala socday bulshada rayidka ah iyo bahda ganacsatada.

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ee arimaha siyaasadda Wendy Sherman ayaa noqoneysa masuulkii ugu sareeyay ee ka socda Mareykanka oo booqda Somalia in ka badan 20 sanadood, waxeyna booqashadeeda hoosta ka xariiqday baa lagu yiri war saxaafadeedka, sida dowladda Mareykanka ay uga go,antahay dadaalka ku wajahan xasilinta Somalia.

Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibadda ee Mareykanka Sherman ayaa soo dhaweeysay ku dhawaaqistii shalay uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha Somalia Cabdi Farax Shirdoon golihiisa wasiirada.

Sherman waxy xustay in dowladda Mareykanka ay ku faraxsantahay in golaha cusub ee Wasiirada ay ku jiraan laba haweeen ah, taasoo bey tiri muujineysa kaalinta muhimka ah ee ay dumarka ku leeyihiin dhinacyada kala duwan ee nolosha.
Baarlamanka Somalia ayaa dhawaan kulmi doona si ey u ansixiyaan ama u eegaan golaha cusub ee wasiirada.
Balanqaadayadii ay u sameeysay masuuliyiintii Somaliyeed ee aan la kulantay ayey xoghaye Sherman waxey ku nuux nuuxsatay in Somalia hadda ay tahay meel ay rajo ka jirto , oo aysan ka jirin dareen quus iyo niyad jab.

Waxey horumarka siyaasadeed ee socda ay ugu hambalyeysay Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka, waxaana horumarkaasi ka mid ah, dhismihii baarlamanka ee 20kii bishii Augst iyo doorashadii madaxweynaha ee 10kii bishii September.

Waxey Sherman xaqiijisay in dowladda iyo dadka Somaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hagista taageerada caalamiga ah ee Somalia la siinayo.

Sherman waxey ku boorisay hogaamiyeyaasha Somalida inay sii wadaan oo ay sii xoojiyaan guulaha la gaaray, iyagoo gacan ka geysanaya dhismaha maamulada degaanada oo ka soo dhex baxa wada hadal bulshada lala yeesho iyo dib u heshiisiin, in si deg ah dadka loogu fidiyo adeegyada ay u baahanyihiin, sameynta sharci fududeeya hirgelinta dastuurkii la ansixiyay bishii August, inay wax ka qabtaan oo ay maareeyaan dhalinyarada ka soo goosaneysa Al-shabab iyo in xal ay u hesho dhuxusha faraha badan ee ceegaagta dekedda Magaalada Kismayo.

Sherman waxey uga hambalyeysay Taliyaha ciidamada General Andrew Gutt, guulihii dhawaan ay Amisom ka gaartay, ka saarista Al-shabab meelo Istaraatiiji ah oo ay shacab fara badan ku noolyihiin, waxeyna ku tilmaantay in arintaa ay ku gaareen dhiiranaanta iyo howl hufnaanta ciidamada Amisom.

Ambassador Sherman waxey hoosta ka xariiqday sii wadista balanqaadyada mareykanka ee ay ku taageereyso Amisom iyo ciidmada Somalia, inta ay gudanayaan waajibkooda masuuliyadeed ee ay ku hirgelinayaan ama ku gaarsiinayaan amaanka guud ahaan Somalia.

Waxey sidoo kale uga mahadcelisay Sherman ganacsatada Somaliyeed dadaalka ay ugu jiraan sii wadista ama maareynta dhaqaalaha Somalia, 20kii sano ee la soo dhaafay ee ay colaadaha ka jireen, bulshada rayidkana waxey ku amaantay howsha ay shacabka u hayeen xilli aysan dowladi jirin

Waxey ugu dambeyntii ganacsatada iyo Bulshada rayidka ay ku boorisay inay sii wadaan matalidda degaanadooda oo ay la shaqeyaan hay;adaha dowladda oo ay kula xisaabtamaan.
XS
SM
MD
LG